Sir Alex”Man united waxa iga bedeli doona Mourinho”
Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in ninka ka badali doono shaqada macalinimo ee kooxda Man United in uu yahay macalinka Real Madrid Jose Mourinho.
14 cisho kadib markii labada nin ay ku kulmeen Hotel-ka Lowry Hotel ee magaalada Manchester oo ay Real Madrid ujoogtay kulan ay la laheyd Man City ayuu tababare Fergie sheegay in Mourinho uu yahay macalinka xiga ee United.
Sir oo 70 jir ah ayaa la weydiiyay sida uu arko hadii uu Jose ka badalo shaqada waxaana ku jabaway “waxaa uu macalin unoqon karaa koox walba oo aduunka ka dhisa xitaa United”
“Waligeey ma arkin ninkan oo kale ,waxaa uu ku jiraa macalimiinta ugu sareysa aduunka ,waxaan xasuustaa waqtigiis Chelsea waa nin isku filan yaqaanana ciyaar walba nooceeda waxaana uu noqon doonaa ninka iga badala halkaan ayuu yiri Ferguson.
Daawo Video badan oo xiiso leh
