Intermilan oo jawaab culus siisey Kadib Hadalkii shalay ka soo yeeray Sneidjer
Maamulka kooxda kubadda cagta ee Inter Milan ayaa si kulul uga jawaabay hadal shalay ka soo yeeray Wesley Sneidjer, kaasoo sheegay inuusan diyaar u ahayn un uu heshiis cusub uu u saxiixo kooxdiisa.
Madaxweynaha kooxda Inter Milan Massimo Moratti ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay xal deg deg ah ay ka gaari doonaan arinta buuqa iyo murunka badan dhalisay ee ku aadan xidigooda khadka dhexe ka ciyaara ee Wesley Sneijder.
Wuxuu sheegay inuu kursiga keydka ah ay ku sii heyn doonaan inta laga gaaraayo xal rasmi ah, isagoo intaasi ku daray inaysan wax dan ah ugu jirin kooxda Inter inay mushaaraad siiso ciyaaryahan iska fadhiya uun.
“Inter wax dan ah uguma jirto inay mushaaraad siiso ciyaaryahan iska fadhiya oo aan kooxda waxba u qabaneyn, arintiisa waxaa laga gaari doonaa xal deg deg ah.” Ayuu yiri Massimo Moratti.
Massimo Moratti ayaa wuxuu sheegay inuusan marnaba ciyaari doonin Sneidjer, ilaa iyo inta xal laga gaaraayo khilaafaadka kala dhaxeeya Maamulka sare ee Inter Milan.
Massimo Moratti ayaa wuxuu hadalkaan uu ka sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska La Gazzetta dello Sport oo ka soo baxa dalka Talyaaniga.
Wesley Sneijder ayaa wuxuu si cad uu u diiday in uu ogolaado laba qoddob oo ay ka dooneyso kooxda Inter Milan, kuwaa oo kala ah in uu heshiiska uu u kordhiyo kooxdiis iyo in uu ogolaado in dhimis lagu sameeyo mushaaraadka uu sanadkii qaato ee 6-da milyan ah.
Daawo Video badan oo xiiso leh
