Kooxah caawa Champion league fooda is dari doona
Kulamo adag oo ka tirsan koobka Uefa Champions League ayaa lagu wadaa caawa in ay ka dhacaan garoomada Caalamiga ah ee Qaarada Yurub. Kooxaha kulmaya ayaa intooda badan waxa ay yihiin kooxo soo baxay oo hadii laga badsho xitaa aanan dhibaato weeyn ka cabsaneeyn marka laga reebo kaalimaha 1-aad oo lagu tartamayo.
Kooxaha Caawa fooda is daraya ayaa waxa ay kala yihiin kuwaan : Dinamo Zagreb Vs Dynamo Kyiv, Paris Seint Germain Vs Fc Porto, Montpellier Vs Fc Schalke ,Olympiakos Vs Fc Arsenal, Ac Milan Vs Zenit St. Petersburg, Fc Malaga Vs Anderlecht, Borussia Dortmund Vs Manchester City iyo Los Blancos Real Madrid oo marti gelin doonto kooxda heeysata horyaalka dalka Holland ee Ajax Amsterdam.
*** Guud ahaan Kooxaha ilaa hada xaqiijiyay in ay u soo gudbeen wareega labaad ee koobka Uefa Champions League waxa ay kala yihiin : Fc Porto , Paris Seint Germain, Fc Schalke, Fc Arsenal, Fc Malaga, Ac Milan ,Borussia Dortmund, Real Madrid, Shakhtar Donetsk, Fc Bayern Munich, Valencia, Fc Barcelona iyo Manchester United.
Daawo Video badan oo xiiso leh
