Puyol”waxaan jelaysan lahaa inay wareega 16ka UCL nagu soo aado Milan
Carles Puyol ayaa doonaya inay
Barcelona ku aado AC Milan wareega
16ka Champions League, oo isku
aadkiisa 20ka December lagu
qabanaayo Nyon.
Catalans ayaa dhameysatay wareega
Group-ka iyadoo ka sareysa Celtic,
Benfica iyo Spartak Moscow waxayna
kusoo baxday kaalinta koowaad ee
Group G, ciyaaryahanka heerka
caalami ee dalka Spain ayaana jeclaan lahaa inay ku aadan kooxda San Siro.
“Waxba nagama quseeyan kooxda aan ku aadeyno wareegeena xiga, laakiin waa
inaad ogaataa inaan jeclahay inaan la ciyaro Milan sababtoo ah waa koox aan
xushmeeyo,” ayuu Puyol u sheegay Website-ka Barca.
Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan
Daawo Video badan oo xiiso leh
