Sodon Qodob Oo Ay Diinta Islaamku Cadaysay In Ay Gabadha La Qabaa Ku Kasban Karto Jacaylka Ninkeeda.
Halkaan waxaan idiinku soo gudbinayaa, sodon (30) qodob oo ku salaysan diinta Islaamka, xaas walba oo la qabo, waxaan ka codsanaynaa ineey la timaado qodobadani, iska tuur fikirka ah asagaba kama haysto aniga muxuu iiga helayaa, ma ogtahay haduu naxariis kaaga barto, inuu kuu soo debcaayo sida hooyo ugu debecsantahay cunugeeda, baro qodobadan oo ku dhaqan:
1. Gabadha la qabaa waa in ay ninkeeda u muujisaa dhaqan dumarnimo oo naxariis leh
2. Waa in ay saygeeda ugu labisataa si qurux badan oo soo jiidasho leh.
3. Waxa looga baahan yahay in ay haweenaydu isu cadariso ninkeeda si uu u dareemo ur udgoon oo raali galisa.
4. Wa in ay ka dheeraataa muranka iyo cadhada oo ay ninkeeda tustaa waji furan.
5. Waa in ay gabadhu ixtiraantaa sodohdeed iyo qoyska uu ka soo jeedo ninkeedu si uu ninku u jeclaado hooyadeed
iyo qoyskeeda.
6. Haweenayda la qabaa waa in ay barata ka dibna ay ku dhaqanta dhamaan waajibaadka diiniga ah ee ay diinta Islaamku ku waajibisay in ay kula dhaqanto ninkeeda.
7. Waa in ay ninkeeda ku qaabisha si laab furan oo dhoola cadayn leh marka uu alabaabka ka soo galo iyo marka uu ka baxayaba.
8. Waa inay gabadha la qabaa u nadiifisaa gurigeeda ugu yaraan sida uu doonayo ninkedu.
9. Gabadha la qabaa waa in ay ninkeeda ugu sheegtaa mar walba in uu yahay ninka kaliya ee ugu fiican dunida ee ay abid aragto.
10. Waa in ay si niyad furan u dhegaysata hadalka ninkeeda xitaa haday ku caajisto, hadii ay su”aal qabtana waa in ay u waydiisa si degan oo naxariis leh.
11. Haweenayda la qabo oo ninkeeda ku dhiirigalisa horumarka.
.12. Hadii ninkaaga aad ka dareento cadho iyo deganaansho la”aan sii wakhti uu kugu jawaabo oo haku khasbin in uu degdeg ah kuugu sheego waxa uu ka cabanyo, la sug inta ay cadhadu ka baxayso ka dibna si degan u warayso adiga oo hadalka ka sugaya.
13. Ugu mahadnaq ninkaaga dadaal kasta oo uu la yimaado hadii doono haba yaraadee.
14. Talada iyo waanada uu kuu sheego ninkaagu tixgali oo dhugasho u lahaw ka dibna fuli.
15. Tix gali asxaabta fiican ee uu laayahay ninkaagu.
16. Hadii uu ninkaagu ka cadhoodo khalad yar oo kaa dhaca, haka hor keenin dood ee deji, iskuna day in aad ka fogaato khaladaadkaa.
17. Kasbo qalbiga ninkaaga oo baro sida fiican ee aad uga dhaacin karto waxa aad doonayso adiga oo ula hadlaya si ay oorinimo ku jirto.
18. Haka xanaaqin khaladka yare ee aan wax ka soo qaadka lahayn ee ka dhaca ninkaaga
19. Isku day in aad ka qosliso ninkaaga oo aad si hufan ula kaftanto adeegso ereyo iyo halhaysyo xushmad leh.
.20. Daacad u ahaw ninkaaga ogowna in aad tahay laf dhabarta qoyska ee muraayada u ah horumarka iyo sumacda noloshiina.
21. Baro dookha ninkaaga, waxa uu ka helo iyo waxa uu neceb yahay.
22. Ha ku khasbin ninkaaga in aad sandule kaga dhigto waxa aad doonayso.
23. Haka bixin guriga adiga o aan ogolaansho ka haysan ninkaaga.
24. Ku dadaal labiska iyo bilicda ninkaaga si uu u noqdo ninka ugu araga fiican ee ay indhuhu qabtaan.
25. Ku Amaan hadiyadaha uu ninkaagu kuu keeno xitaa hadii aanay dookhaaga ahayn.
26. Ku dadaal cibaadada Alla ku faray oo ka dheerow wixii uu kuu diiday.
27. Ku Dadaal nadaafada wejigaaga, jidhkaaga, maryahaga, iyo wajigaaga oo ah muraayada quruxdaada.
28.Ha isku dayin in aad ninkaaga u amaanto nin kale.
29. Isku day in aad la xiisayso dookha uu ninkaagu leeyahay.
30. Fuli awaamiirta uu ku siiyo nnkaagu.
Cabdiqaadir Maxamed Ciid
Daawo Video badan oo xiiso leh


asc asxab qodob.com kuxidhen dhantin salan kadib figradani waa figrad ad & ad u fican 2 bedane wayka faidasten masha allah wad mahed santihen
asc asxbta waan inisalaamay salaan aad uqaali san fagradana waa fagra aad iyo aad uwanaag san ilaahay ha inagu an faco dhamaan teen wixii dumar ah idinkana haidin ka jisaa imariyo waxsana ha idin ku badali aami aamiin