Side Ku Ogaan kartaa Qof Iskaga Kaa Dhigaya Qof Ku jecel?iyo Mid Si dhaba Kuu Jecel?

Beautiful Muslim Woman with White Rose

Aqriste marka waxaan rabaa in aan wax uun kaaga fasiro sida aad ku kala ogaan kartid qofka ku jecel iyo qofka iska dhigaa inuu ku jecelyahay adiga. Hadaba iska jir qofka leh tilmaaha aan hoos ku xusi doono, kuna sheego doono inuu ku jecelyahay/jeceshahay kuma jeclo, mana ku jeclaan doono:

Waa qof aan ku qaddarineynin, isla markaasna ay la xunyihiin waxwalba oo aad adiga soo jeedisid.
Waa qof aan kugu kalsooneen, oo waxwalba oo xumaan ah kaa suga.
Waa qof ku caaynaaya markuu kula hadlaa, oo aan afkiisa eray macaan laga maqleynin inuu asiga goaansaday maahane, micnaha aad adiga wanaag kasta oo aad sameysid agtiisa xumaan ka yahay, laakiin adoo xumaan ku sameeyay iska kaa amaanaa mararka qaarna.
Waa qof marka aad aragtid aad isku diyaarineesid sida aad isku difaaci laheeyd, iyo erayadii aad ku raali gelin laheeyd.
Waa qof aan hadalkaaga waxba ka soo qaadin, in aad ooysid iyo in aad qosleysidna iskugu midyihiin.
Waa qof aan xushmeynin rabitaankaaga, dhageysanin dareenkaaga, dalyeelin darenkaagana, balsa kaa sugaa adiga ama u arko in ay waajib kugu tahay in aad daba socotid, oo aad baahidiisa nooca walba leh buuxisid suaal la’aan.
Waa qofka ayagoo dad kale joogaan mucaarad kugu ah, ka soo horjeedo fekerkaaga, isla maarkaasna canbaareeynaayo ama kugu canaananaaya saaxiibadiis/saxiibadaa ama aqayaar kale hortooda.
Waa qof waalidkaa neceb, kaaga sheekeeya xumaantooda, wiilsha iyo gabdhaha kula dhashay aanba la tusi karin. Jecel in aad kala hartaan asaxaabtaada, marwalba oo aad la kulmeysidna qiil u sameeyo si aad ula joogtid guriga asiga, ayagane aad balantii aad la gashay kaga baxdid. kadibna adiga kaa dhaadhacsiiya in “familkaagii hore” (Waalidkaa iyo waalahaa) iyo saaxiibadi hore in ay waqti kaa dhumiyaan maahane, ama asiga kugu diraan oo xumaantiis kuu aqriyaan aysan wax faaiido ah kuu keeneynin la kulankooda.
Waa qof ku suaalaa waxa kugu kasbay in aad qalad sameysid meeshii oo ka fekeri lahaa sida loo sixi lahaa qaladkaaga.
Waa qof kuu sheeego jirkaaga foolxumadiisa, dabeecad xumadaada, feker la’aantaada, dooq la’aantaada iyo guuldaradaada.
Waa qof doonis badan, rabana inuu asiga kali ah leho waxa oo rabo.
Waa qof shaki badan oo tusaala ahaan taleefankaaga baara, markaad banaanka jirtid toban jeer ku soo waca asoo ku weeydiinaa meesha aad joogtid iyo qofka aad la joogtid.
Waa qof aad jeclaatid in aad bedeshid hadii aad awoodi laheeyd, oo aan hal daqiiqo laheeyn tayooyinkii aad shalay ku dooratay. waxaadna ku fekertaa, isna tustaa in aad maalin uun heli doontid “Furaha sixirka ah” oo aad ku furi doontid aqligiisa, indhahiisa iyo qalbigiisa kadibna wanaagaaga iyo jaceylka aad u qabtid arki doona, kana mahadcelin doono, kaa balan qaadi doona in uusan u laaban doonin jir dilkii iyo bahdilki maskaxeed oo horay kuugu geeystay asoo jilbahaaga heeysta. Nasiib darro ma jiro “Furaha Sixirka ah” ee dumar badan raadiyaan!
Waa qof waxwalba oo aad sameeysid, waxwalba oo aad jeceshahay oo aad dartiis u deeysid, amar walba oo aad ka qaadatid, waxwalba oo aad sida oo asiga kuu sheegay aad ku sameeysid aanan waligiis ku qanci doonin waxa aad tahay, waxuu uun sii rabaa inta aad siisay in ka badan, waxuu rabaa in aad waligaa naftaada qax joogta ah iyo qaharka aan dhamadn laheeyd inta nafu kugu jirto aad kula jirtid.
Waa qofka kuugu hanjabaa inuu kaa tagaa/mid kale kaa raacaa hadii aad sameeyn weeysid waxa oo kaa rabo.
Waa qof ka maseera waxwalba, xataa ilmahiina aad wada dhasheen, sidaas darteed inuu kuu kontaroolo si walba xataa fekerka aad bulshada aad loo nooshahay ka qabtid isku dayaa.
Waa isku taxalujiya inuu noloshadii hore gud gelsho, tusaala ahaan hadii aad shaqeeyn jirtay ama aad wax baran jirtid kaa reeba shaqada iyo waxbarashada si aad u noqotid qof aan asiga ka maarmin. Laakiin marmarsiyo ka dhiganaaya inuu adiga dhibka kuu diidaa, amaba oo diidaa in nimanka kale ka arkaan oo “quruxdaada” la dhacaan.
Waa qof kuu sheegaa waxwalba oo aad sameyneysid, ka soo bilaw dharka aad ku labisaneysid ku geey filinka iyo barnaamijka aad ka fiirsan kartid tifiiga ama aad ka dhageysan kartid raadiyaha.
Waa qof hadii aad wax isku qilaaftaan gacantiisa iyo afkiisa gacantiisa ay soo horeyso, oo ku dila.
Waa qof calaacal, dhaar badan, ooyin iyo isdifaac badan markii oo arko in xumaantiisa ku gaartay oo aad diyaar u tahay in aad talaabo ka qaadid dhaqankiisa xun, si oo kuugu haayo meeshaada, waxwalba oo ogyahay in aad kula joogi kartid ayuu kaa balan qaadaa, asbuuc kadibna dhaqan xumadiisii iyo bahdilkiisii ayuu ka sii wataa halkii hore.
Waa qof markuu xanaaqa kuu ciqaabo siyaalo kala duwan, sida inuusan kula hadlin, inuu is moogeysiiyo in aad la joogtid, inuu erayo xun oo xanuunkooda uusan aqoonin sida uu qalbigaaga u gubaa oo kugu dhego jibsho markasta oo ku arko.
Waa ninka adoo la joogo la sheekeeysta dumarka kale, si oo adiga kuu ciqaabo. Ama adigoo maqlaa taleefan gabar kale ku shukaansada.
Waa kan isku sheegaa inuu ku jecelyahay laakiin ilmahaaga hortooda kugu dila, kugu caaya, ayagane hortaada intoo kale kula sameeyo.
Waa qof DAN darteed kuula nool, dadka ugu sheekeeyo inuu kugu meel gaaraayo, tusaala ahaan maal/lacag.
Ninka ama gabadha sheeganeyso in ay ku jeceshahay oo leh toban ama shan ka mid ah xataa calaamadaha aan kor ku soo xusay ka bixi noloshaada, hadii aad badbaado rabtid. Maxaayeelay jaceylka qofkaas waxuu isku bedelay NACEYBA, iyo jirooyinka JIRKA iyo QALBIGA ku dhaca, oo ay ka midyihiin xasidnimo, xiqdi, nafjeceel, awood jeceel, naxariis la’aan iyo kontaroolka nafafka kale loogu tagri falo, laguna bahdilo. Waana hubaal lama noolaan kartid qofkaas ileen waa qof wata cudur kugu dhici karo oo ku faafi og markiiba xidida jirkaaga.
NB! Calamadaha aan soo sheegay ma quseeyaan wiilasha/ragga oo kali ah, ee sidoo kale dumar/gabdhu badan ayaa leh tilmaahaas, oo kula dhaqma ragga/wiilasha ay “umaleeynaa” ama u sheegaan in ay jecelyihiin.
Fartuun Birimo: Anoo noole kuu jecel. Haddaad raacday naag kale., Nafta aad wadaagteen. Waa naruuro beeshee, Aan is nabad gelyeynee, Maxaad iigu soo noqonee
Amaad iigu naaloonee, Nuxurkaaga iga guur.!”

Cabdicasiis Thaapit Yare

Bogga Hore ku Laabo

Bogga Ciyaarah Akhri

Daawo Video badan oo xiiso leh


Qodob.com Kala soco saacadwalba iyo daqiiqad walba Wararkii caalamka iyo Ciyaaraha ugu danbeeyey

Nagala Xidhiidh E-mail ka waa - Qodobka@hotmail.com Ama Maamulka Guud Qodobnews@gmail.com

Halkan Hoose Kuqor Fikirkaaga Ku Aadan Warkan (1)

  1. sacdiyo maxamad says:

    runtii arintaan anigay igu dhacday mana helin sacidaad waqtigii munasibka aha wax aqoon aha ama figrad ahne uma lahayn dadka nucan ah ku sheeganaya in ay ku jecelyihiin iyogo dana gar ah wata sidaas darteed cudurkiisi ayan ka dhaxlay runtii waan ka saray noloshayda lakiin asagii ayan ka darnaaday sidaan ula dhaqmayo dadka kuma faraxsani dhaqankayga lakin isma celinkaro marka ila taliya maxan sameeya?




kismaayo wafdi Dhagayso:- Wafti ka socda Beesha Caalamka oo Kismaayo gaaray Si ay ugu Kuur Galaan Xaalada Dhabta ah
- May 21, 2013
Wararka ka imaanaya Magaalada kismaayo ayaa sheegaya halkaasi maanta inay gaareen Wafti ka socda ...
faroole Dhagayso:Faroole oo baaq u diray Xukuumadda Madaxweyne Xassan Sheikh.
- May 21, 2013
C/Raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole, oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ...
Nin dad cunaya Daawo Video:-Hadaawan Hadaad Ka Yartahay 18 Jir ”Nin Dad Qalato ah oo Cunaya 2 Qof Si Live Kadib Latoogtay!!
- May 21, 2013
Digniin ha daawan hadii aadan awoodin muuqaalka..Nin dadka cunaya si live ah,,,,Booliska Magaalada Miami ...
Banaanbax lagaga soo horjeedo mooshinkii saacid9 Dhagayso+Sawiro:- Banaanbax looga soo horjeedo Mooshinka Xukuumadda laga keenay oo Muqdisho ka dhacay
- May 21, 2013
Bannaanbax looga soo horjeedo Mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Soomaaliya laguna taageerayo dadaalada iyo ...
Reer Sweden Daawo Dumarka Soomaaliyeed ee Sweden Kudhaqan Qaabkan Xun ay ula Dhaqmaan Ragooda(Daawo Video Adaa Yaabi Doona)
- May 21, 2013
Muuqaalkaani ayaa waxaa uu ka turjumaaya mid dhab ah oo laga sameeyay haweenka soomaalida ...
Members of the hard line al Shabaab Islamist rebel group parade during a military training exercise in Huriwaa district, southern Mogadishu Dhagayso:Al-Shabaab oo Si Culus uga Hadashay Weerarkii ay Kuqaadeen Madaxtooyada Villa Somalia
- May 21, 2013
Shir Jaraa’id oo uu qabtay Afhayeenka dhinaca Howlgalka ee Al-shabaab C/casiis Abu Muscab ayaa ...
Taageero Bare Hiiraale Daawo Xaflad Wacdaro Wadata oo lagu taageerayay Barre Hiiraale oo Maraykanka ka dhacday(Video
- May 21, 2013
Munaasabad balaaran oo lagu taageerayay Barre Hiiraale oo isagu kamid ah Ragga isku caleema ...
xarunta barakacaaysaha Garoowe15 Dhagayso+Sawiro:- C/ Raxmaan Faroole oo Maanta Xariga ka Jaray 600 oo Guri..
- May 20, 2013
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 20 May ,2013 xariga ka jaray 600 ...
kufsi11 Subxaanallah;Daawo Muuqaalka Gabar Lakufsaday,Yaa kufsaday Afka Lama soomarin karo ee Daawo murugada,(YAAB Video)
- May 20, 2013
Arin Naxdin iyo Sharaf daro ku ah ummada Soomaaliyeed ayaa  lasoo ban dhigay  ,subxaanallah,waxa ...
Cabdiqaasim Salaad xasan Dhegeyso: C/qasim oo Jawaab kulul Ku Dhirbaaxay Beeshiisa (TOP NEWS)
- May 20, 2013
Magaalada Muqdisho dhawaan Waxaa ka dhacay Kulan ay isugu Yimaadeen dhamaan Beelaha Ku Badan ...
koonfur afrika ganacsatada soomaalida Daawo Booliiska Koofur Afrika Oo Tuugada Dalkaas U Fududeeya Boobka Hantida Ganacsaatda Soomaalida Ee Ku Sugan Dalkaasi
- May 20, 2013
Police Dalka South Africa ayaa qab qabta Somalida ka Ganacsata Dalkaas iyago oo ka ...
3 idaacadood oo laxidhay puntland Dhagayso:Salaadiinta Puntland oo Digniin u Diray Xassan Sheekh
- May 20, 2013
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ku sugan 5 Madaxwayne oo dhamaantood ...
xaflo Daawo Dagaal Laysku Baaba’ay oo Kadhacay Xafladii 18 May ee Maamulka Somaliland ee Dalka Holland(Video Dumar Is Dagaalaya Adoo Arkaya)
- May 20, 2013
waxaa habeenimadii Sabtidii ay rabshado ka dhaceen xaflad balaaran oo loogu dabaaldegeyey xuska 18ka ...
magaca Nebi Muxamad Dhalinyaro Reer hargeysa ah oo Ceeboobay Kadib Markii ay Garanwaayeey Magaca Nebi Muxamad oo Saddexan(Daawo Video Qosolku kaa Dhamaanayo)
- May 19, 2013
Qaar kamidah Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Ku Dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa Waxaa Gabadh Wariye ah ...
Shiikh yacquub alshabab Dhagayso:Al-Shabaab oo Markii ugu Horeysay Kahadashay Doorasha Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Sidoo Kalena Eed Dusha uga Tuuray Xasan Sheekh
- May 19, 2013
Cabdi Raxmaan Xudeyfa oo sheegta inuu yahay Guddoomiyaha Kooxda Al-shabaab ee gobolada Jubbooyinka oo ...
hiiraale Dhagayso:Bare Hiiraale oo Kawaramay Qaabka uu ula Kulmay IGAD iyo Waxa ay Kawada Hadleen
- May 19, 2013
Waftigii IGAD ee maalamahan ku sugnaa Magaalada Kismaayo ayaa maanta kulan la qaatay Qaar ...
Tahriibta giriiga DAAWO VIDEO: Wareysi ku saabsan Qaabka ay Soomaalidu ku gasho Dalka Greece-ka
- May 19, 2013
marka aad Muuqaalkan Daawato Waxaad isdhahaysaa Soomaalida xagga tahriibka ugu dhibka badan inay yihiin  ...
Waraysi cali Khaliif War Culus:Maxay Tahay Sababta RW Saacid Xilka Looga Tuurayo…Daawo Cali Khaliif Galeyr oo Cadeeyey(Video)
- May 19, 2013
Pro Cali Khaliif Galeyr oo oo kamidah Siyaasiyiinta ugu culculus Siyaasada soomaaliya islamarkaana imika ...
Gabadh Tumanaysa Fadeexad Culus:Daawo Gabar Soomaaliyeed oo Niman Gaalo ah Ka Codsatay inay Tumasho Diyaar utahay(Video)
- May 19, 2013
Nimco oo ah gabar asal ahaan u dhalatay dalka Soomaaliya balse heysata dhalashada dalka ...
igad oo kahadlaysa jubooyinka Dhagayso War Culus:Muxuu Ku Soo Dhamaaday Kulankii Dhexmaray Maamulka Jubbaland iyo Wafti kasocday IGAD
- May 19, 2013
Xubnaha wafdigan oo ka koobnaa dalalka urur goboleedka IGAD ku jira wakiilo matalayey oo ...