Dhagayso Bare Hiraale oo Markii ugu horeysay Si yaab leh Uga hadlay Maamul usamaynta Jubooyinka
ColBarre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo kamid ahaa Siyaasiyiintiisoo maray deegaanada Jubooyinka isla markaasina dhawaanahaan howlo shaqo u joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay ka hadlay howlaha Maamul u samaynta Jubooyinka iyo fikir kala duwanaanshaha Beesha Sade eek u wajaan deegaanada Jubooyinka. Isagoo ka hadlayay ColBarre kulan ay Beesha Sade ku yeelatay Magaalada Muqdisho oo soo qaban qaabiyay Musharaxa Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland, ayaa waxuu ka hadlay arimo badan oo ku saabsan deegaanada ay dagto beelwaynta Sade gaar ahaan deegaanada gobolada Koonfurta dalka Soomaaliya.
HALKAN RIIX DHAGAYSO WARKA
Qodobadii ugu Muhiimsanaa ee uu ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa xoraynta deegaanada beesha Sade dagto ee wali gacanta ugu jira Kooxaha Al-shabaab, wuxuuna ugu baaqay inay kaalin mugleh ka qaataan xoraynta deegaanadaasi gacanta ugu jira Al-shabaab sidii looga dul qaadi lahaa Cadowga haysta. Wuxuu sheegay Barre Hiiraale mar uu ka hadlayay Qabaa’ilaadka daga deegaanada Jubooyinka, ina ay dagaan deeganadaasi Qabiilo Farabadan oo Somali badan keed ah isla markaasina loo baahanyahay Cadaalad in wax walba lagu dhiso cidii u baahan hogaanka inay u qabatana wuxuu sheegay in looga baahanyahay
inay la tashato Qabiilada daga gobolkaasi. ColBarre Aadan Shire ayaa xusay deegaanada Jubooyinka inay haystaan kooxo kala duwan oo isku hadaf ahayn isla markaasina ku kala aragti duwan siyaasada deeganadaasi.
Hoos ka dhagayso Hadalka Barre Hiiraale, wuxuuna gaar u yahay Warbaahinta Saadaal Fadlan Amar la’aan ha qaadan
Daawo Video badan oo xiiso leh
