Deg deg :- Askari Kenyan ah oo lagu dilay Gaarisa
Wararka Ka imaanaya magaalada Gaarisa ee Xarunta Gobolkla Waqooyiga bari ee wadanka Kenya ayaa sheegaya in Kooxo Bastoolado ku hubeysan ay bartamaha magaalada ku toogteen Askari ka tirsan ciidamada dowladda Kenya.
Askariga ayaa wuxuu ka tirsanaa ciidamada Booliska ee ka howlgala Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, wuxuuna Fasax u joogay magaalada Gaarisa.
Xiligii la toognayay ayaa wuxuu askariga marayay Wadada Kismaayo Road ee bartamaha magaalada Gaarisa, Gaar ahaan agagaarka Hotelka Ceynul Qamar.
Wararku wexey in Ciidamo Boolis ah ay goobta soo buuxdhaafiyeen, walow ay baxsadeen kooxihii falka geystay.
Si rasmi ah looga oga cidii geysatay dilka Askarigaan, iyadoo maalmahaan dambe ay aad ugusoo badanayaan Magaalada ghaarisa dilalka Noocaan ah.
Daawo Video badan oo xiiso leh
