London oo kulan uu ku dhexmarey Madxaweyne Xasan iyo R/Wasaare Cameron
Waxaa jira kulan ka dhacey magaalada London ee dalka ingiriiska oo dhexmarey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaaraha Britain David Cameron maanta oo ay ka wadahadleen xaaladaha Soomaaliya, iyo dowladda Ingriiska lacag ugu deeqday Soomaaliya.
David Cameron iyo Xasan Sheekh ayaa isla soo hadal qaaday shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee ay Britain martigalineyso bisha May ee sanadkan 2013.
Britain waxay Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan £3 milyan sida ay sheegtay BBC, taas oo 1.47 milyan oo ka mid ah lagu taageeri doono dowladda cusub iyo baarlamaanka, iyadoo inta soo harta loogu gargaari doono dad gaaraya lixdan kun oo qof oo ku dhibaataysan Soomaaliya, oo ay ku jiraan carruur iyo haween.
Dowladda Britain ayaa la sheegaa inay sanad kasta siiso Soomaaliya £63 milyan, oo wax looga qabto arrimaha bini’aadannimada.
Daawo Video badan oo xiiso leh
