Qarax lagu Weeray Hotel Kuyaala Muqdisho
War hadda Soo dhacay ayaa wuxuu sheegayaa in qarax nooca bambaanada ah lagu weerraray hotel ku yaalla magaalada Muqdisho.Sida ay lee yihiin dad ku sugan degmada Xamarjajab, qaraxa waxa lagu weerraray Hotel Madiina oo ay deggan yihiin xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Illaa hadda si rasmi ah looma ogga khasaaraha ka dhashay weerrarka caawa lagu qaaday Hotelka Madiina ee degmada Xamar –Jajab. Markii uu qaraxa dhacay waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda oo ka billaabay baaritaan in kastoo aan la oggeen cid loo qabtay weerrarkaas.
Waa weerrarkii ugu horreeyay ee lagu qaado hotel ku yaalla magaalada Muqdisho tan iyo markii la dhisay dowladda Soomaaliya bishii December sannadkii horre.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ammaanka magaalada Muqdisho la isku haleen karo,
laakin mararka qaar waxa xilliga habeenkii ka dhaca weerraro iyo qaraxyo, kuwaasoo lagu
eedeeyay Al-Shabaab oo magaalada laga saaray.
Daawo Video badan oo xiiso leh
