Tarsan oo Soo Jeediyey Hanjabaad Kulul aan Hore Loo arag
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa hanjabad kulul u jeediyay ganacsatada magaalada Muqdisho.
Maxamuud Tarsan ayaa ku dhawaaqay in ganacsatadaasi ay sameeyeen waxyabo qaar oo aan ku habooneyn nadaafada magaalada Muqdisho ,isagoo xusay inay horseed ka yihiin nafaadad darada ka jirta Muqdisho.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Tarsan ayaa sheegay in maamulka gobolka uu sameyn doono kormeer ku aadan nadaafada goobaha maqaayadaha ah ee ku yaala magaalada Muqdisho.
Isagoo xusay in la eego doono heerka ay gaarsiisan tahay nadaafada goobaha ay ku yaalaan maqaayadaha laga cunteeyo.
Wuxuu Yiri “Waxaad arkeysaa ruux cidiyo dheer oo raashiin kuusoo gurayo,maqaayadaha oo aan bilic wanaagsaneyn,dhamaan wax badan ayaa laga qaban doonaa”
Daawo Video badan oo xiiso leh

Tartan, Wuxuu hor Taagan yahay masuuliyiin howl badan ka qaban lahaa G. Banadir. Howsha uu ka hadlayo ma ahan howl governor. Howl waa weyn ayaa u yaalo Laakiin ma yaqaano.
Ganacsato in loo hanjabo waa heerka uga sareeyo ee laga gaaro jahli iyo aqoon daro. Qaab loola dhaqmo ganacsatada ayaa jiro, hanjabaadana kuma jirto. Waxaa ku filan in ay diidan caanshuuraha dowladana ka codsadaan In ay soo magacowdo masuul aan xoolahooda ugu hanjabeyn.
Xamar Tarzan oo kale uma baahna ee waa in la magacaabo guddoomiye cusub, duqa magaaladana qof kale loo magacaabo