Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga oo soo gaaray Qaahira(Daawo Sawirada)
Waxaa Habeennimadii xalay soo gaaray Magaalada Qaahira ee Xarunta Dalka Masar wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Maxamed Nuur Gacal.
Wafdigan ayaa gogol dhac u ah booqashada la filayo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku soo gaaro Magaalada Qaahira Maan oo Talaada ah asaga oo ka qeyb galaya Shir madaxeedka Dalalka ku bahoobay Ururka Islaamka.
Wafdiga Wasiiru Dawlaha ayaa waxa si diiran ugu soo dhaweeyay gegida diyaaradaha ee Magaalada Qaahira wafdi ka socday Safaarada Soomaaliya ee Dalka Masar oo uu horkacayay Danjire Cabdi Laahi Xasan Maxamuud.
Sida qorshuhu yahay Wasiiru Dawlaha ayaa ka qeyb galaya shirka Wasiirada Arimaha Dibadda ee dalalka Islaamka ka hor inta uusan si rasmi ah Madaxweynaha ugu soo dhaweynin Magaalada Qaahira.
Ugu Danbayntii Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Qaahira ayaa aad u hadal haya booqashada wafdiga Wasiiru Dawlaha iyadoo oo dhamaan u hanqal taagayaan booqashada Madaxweynaha iyo khudbada uu u jeedin doono Jaaliyada Soomaaliyeed
Daawo Sawirada
Daawo Video badan oo xiiso leh



